Kadib Kulan Xiiso Lahaa Real Madrid Oo Wakhtiga Geerida Guul Ka Gaadhay 10 Xiddig Oo Atalanta Ah.

Kadib Kulan Xiiso Lahaa Real Madrid Oo Wakhtiga Geerida Guul Ka Gaadhay 10 Xiddig Oo Atalanta Ah.


Kooxda Real Madrid ayaa guul wakhti dambe ah ka gaadhay kooxda Atalanta oo 10 xiddig ku dhamaystay inta badan ee ciyaarta.


Qaybta Hore.

Kooxda Real Madrid ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo Atalanta ku qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn oo ay ku doonayeen goolal.

Dhanka kale kooxda Atalanta ayaa ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah oo ay ku halis galiyeen kooxda Real Madrid.

Ciyaarta ayaa si weyn uga duwanayd sidii la filayay marka loo eego xaalka dhaawacyada Real Madrid iyo in ay Atalanta tahay koox cajiib ah oo ciyaar weerar ah ciyaarta.

Kooxda Atalanta ayaa inta badan ee ciyaarta ku jirtay daafac iyaga oo Real Madrid u ogolaaday in ay ciyaarta dhan walba ka maamulaan.

Xaalka Atalanta ayaa xumaaday daqiiqadii 17-aad kadib markii xiddiga Remo Freuler qaatay kaadhka cas ee tooska ah kadib khalad uu ku galay Mendy.

Atalanta ayaa wixii intaas ka dambeeyay dib isku uruurisay difaacana xoojistay iyaga oo qaadayay weeraro rogaal celis ah.

Waxa bar-baro gool la’aan ah ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta inkasta oo ay Real Madrid wax walba samaysay hadana waxa ay dhalin waayeen wax gool ah.


Qaybta Dambe:

Kooxda Real Madrid ayaa sii waday dadaalka xilli ay Atalanta doonaysay in ay bar-baro kala baxdo kulanka marka loo eego in ay 10 xiddig yihiin.

Laakiin wiilasha Zidane ayaan ka caajisin in ay dhaliyaan gool faa’iido u noqda lugta hore xitaa hadii iyaga laga dhaliyo.

Dhanka kale Atalanta ayaa heshay fursado dhawr ah oo ay ku sameeyeen weeraro rogaal celis ah oo orod ahaa maadama ay Real Maamulaysay ciyaarta.

Atalanta ayaa u malaysay in ay ciyaartu bar-baro ku dhamaan doonto maadama ay daqiiqadihii ugu dambeeyay ciyaartu bar-baro bilaa gool ah aaday.

Laakiin daqiiqadii 86-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Ferland Mendy kaas oo qabtay wax ay weeraryahanada Real Madrid ku dhibaatoodeen una dhiibay hogaanka kooxdiisa kana dhigay 1/0.

Real Madrid ayaa heshay fursad kale oo wakhti dambe ah kuna dhalin kartay gool kale laakiin Daafacyada Atalanta ayaa si cajiib ah u difaacday kubadaas.


Source: laacibfm.com

SHARE