Liverpool Oo Loo Sheegay Halka Wado Ee Ay Ugu Dhamaysan Karaan 4-ta Boos Ee Ugu Saraysa Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Liverpool Oo Loo Sheegay Halka Wado Ee Ay Ugu Dhamaysan Karaan 4-ta Boos Ee Ugu Saraysa Premier League Xilli Ciyaareedkan.


Xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Steve Nicol ayaa sheegay halka wado ee ay Liverpool ugu dhamaysan karto 4-ta boos ee ugu sareeya horyaalka premier league xilli ciyaareedkan.

Redsa ayaa ku dhibaatoonaysa premeir League xilli ciyaareedkan iyaga oo haatan ku jira kaalinta 6-aad waliba 6 dhibcood ka dambeeya kooxda kalinta 4-aad ku jirta ee West Ham.

Steve Nicol ayaana sheegay Halka wado ee ay Liverpool ugu soo bixi karto kaalinta 4-aad ee Premier League xilli ciyaareedkan in ay tahay in ay xiddigaha weerarka uga ciyaara ee Salah, Mane iyo Firmino dib u helaan qaab ciyaareedkoodii fiicnaa.

Xiddigaha weerarka uga ciyaara iverpool ayaa ku dhibaatoonaya gool dhalinta tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan iyaga oo aan goolal badan dhalin kulamadii ugu dambeeyay.

“Waxa aan aaminsanahay in halka wado ee ay Liverpool ugu dhamaysan karto 4-ta boos ee ugu sareeya in ay tahay in ay xiddigaha weerarka uga ciyaara dib u helaan qaab ciyaareedkooda fiican”.

“Xiddigaha weerarka uga ciyaara Liverpool waxa ay haatan u muuqdaan kuwo aan wax gool ah dhalin karin”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE