Man City Oo Talaabo U Qaaday Wareega 8da Champions League Ka Dib Guul Ay Ka Gaareen Borussia Monchengaldbach

Man City Oo Talaabo U Qaaday Wareega 8da Champions League Ka Dib Guul Ay Ka Gaareen Borussia Monchengaldbach


Manchester City ayaa talaabo weyn u qaaday u soo bixitaankeeda wareega sideed dhamaadka Champions League ka dib markii ay 2-0 ku dubatay kooxda Borussia Monchengladbach oo marti loo ahaa kulanka lugta hore ee wareega 16ka.

Guul ay u qalantay ayay gaareen City iyadoo ay goolasha u saxiixeen Bernando Silva iyo Gabriel Jesus.

Kulanka ayaa ahaa mid hal dhinac ah iyadoo Manchester City ay ciyaarta maamuleysay min bilow ilaa iyo dhamaad, waxayna heleen fursado ciida ka badan oo ay ka faa’ideysan waayeen.

Qeybtii hore oo ay City ciyaarta ka dhigtay sida kulan yar oo maxali ah, waxaa hogaanka u dhiibay Bernando Silva kaasoo madax ku dhaliyay karoos qurxoon oo uu soo qaaday Cancelo.

Waxaa qeybtii hore lagu kala nastay goolkaas inkastoo Man City ay u qalantay wax ka badan intaas.

Man City ayaa sii wadatay maamulka ciyaarta qeybtii labaad, iyagoo helay goolka labaad daqiiqadii 65aad ee ciyaarta, goolka labaad ayaa ku yimid si la mid ah goolkii hore.

Cancelo ayaa karoos fiican soo qaaday waxaa madaxeeyay oo kubada hor dhigay goolka Bernando Silva laakiin markaas waxaa shabaqa ku taabtay Gabriel Jesus.


Source: laacibfm.com

SHARE