Man United Oo Go’aan Ka Gaadhay Baacsiga Ay Ugu Jirto Jules Kounde

Man United Oo Go’aan Ka Gaadhay Baacsiga Ay Ugu Jirto Jules Kounde


Kooxda Man United ayaa si dhaw ula socota horumarka xiddiga daafaca kooxda Sevilla ee Jules Kounde laakiin Red Devils ayaa diiday in ay bixiso lacagta 68 milyan ee lagu bur-burin karo heshiiskiisa kooxda Sevilla.

Jules Kounde ayaa ka mid ah daafacyada ugu fiican adduunka wakhti xaadirkan waxana uu xiiso ka helayaa kooxo badan oo reer yurub ah kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga.

Kooxda Man United ayaa ka mid ah kooxaha doonaya saxiixa xiddiga reer France kaas oo qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan.

Laakiin wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay Man United haatanba Sevilla u sheegtay in ayna bixin doonin lacagta lagu bur-burin karo heshiiska daafaca dhexe.


Source: laacibfm.com

SHARE