Mikel Arteta Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac Ee Thomas Partey

Mikel Arteta Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac Ee Thomas Partey


Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka warbixiyay xaalada xiddiga Thomas Partey isaga oo xaqiijiyay in uu xiddigu ku soo laabtay tababarka.

Arteta ayaa sidoo kale xaqiijiyay in uu Thomas Partey taam buuxa u noqon doono kulanka ay Kooxdiisu la ciyaari doonto Benfica Kulan ka tirsan Europa League.

Kooxda Arsenal ayaa Khamiista wajihi doonta tartanka Europa League kulanka 2-aad ee wareega 16-ka tartanka Europa League.

Thomas Partey oo 27 jir ah ayaa ka maqnaa kooxda muddo bil ah kadib markii uu ku dhaawacmay kulankii Aston Villa ee horyaalka premier League.

Mikel Arteta oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Thomas Partey waa diyaar kulanka Benfica waxana uu ku soo laabtay tababarka”.

“Waxa aan arki doonaa inta uu ka ciyaaro kulanka laakiin haatan waxa uu dareemayaa raaxo waxana uu taam u noqon doonaa kulamada”.


Source: laacibfm.com

SHARE