Mikel Arteta Oo Kabtan Ku Xigeen Cusub Dooranaya 7 Xiddiga Hictor Bellerin Kabadalaya Kabtan Ku Xigeenka Oo La Ogaaday.

Mikel Arteta Oo Kabtan Ku Xigeen Cusub Dooranaya 7 Xiddiga Hictor Bellerin Kabadalaya Kabtan Ku Xigeenka Oo La Ogaaday.


Xiddiga Kieran Tierney ayaa lagu soo waramayaa in uu xiddiga Hector Bellerin ka badali doono kabtan ku xigeenka kooxda Arsenal dhamaadka xilli ciyaareedkan hadii uu ka tago kooxda.

Bellerin oo 10 sano ku qaatay Gunners ayaa lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda Dhamaadka xilli ciyaareedkan suuqa xagaaga.

PSG ayaa la sheegayaa in ay xiiso u qabto saxiixa xiddiga 25 jirka ah xilli ay Barcelona sidoo kale doonayso saxiixiisa.

Wargayska Football.London ayaa sheegaya in hadii uu Bellerin ka tago kooxda bilaha soo soda Tierney noqon doono kabtan ku xigeenka kooxda Arsenal.

Xiddiga reer Scotland ee Tierney ayaa noqday xiddig ay taageerayaashu jecelyihiin tan ilaa markii uu kooxda kaga soo biiray Celtic 18 bilood ka hor.


Source: laacibfm.com

SHARE