Saddex Koox Oo Reer Italy Ah Oo Isku Baacsanaya Juan Mata.

Saddex Koox Oo Reer Italy Ah Oo Isku Baacsanaya Juan Mata.


Kooxda Juventus, Inter Milan iyo Roma ayaa isku baacsanaya xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Juan Mata.

Xiddiga reer Spian ayaa ka baxay qorshaha tababare Ole Gunnar Solskjaer isaga oo kaliya 7 kulan u ciyaaray kooxda xilli ciyaareedkan.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in kooxaha Juventus, Inter iyo Roma ay dhamaantood xiiso u muujiyeen saxiixa xiddiga 32 jirka ah kaas oo uu heshiiskiisu dhici doono xagaaga.

Xiddiga Juan Mata ayaa dhankiisa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu ka qayb qaato tartan cusub isagana tago kooxda Man United iyo horyaalka Premier Leageu.


Source: laacibfm.com

SHARE