Sadio Mane Oo Kashifay Koobka Ay Doonayaan In Ay Ku Guulaystaan Xilli Ciyaareedkan.

Sadio Mane Oo Kashifay Koobka Ay Doonayaan In Ay Ku Guulaystaan Xilli Ciyaareedkan.


Xiddiga kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa sheegay in ay Liverpool ka quusatay ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan isaga oo sheegay in dhibcaha ay ka dambeeyaan Man City la macno tahay in ayna difaacan doonin horyaalka.

Sadio Mane oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Xiddig walba oo kooxda ah waxa uu leeyahay u jeed gaar ah sidoo kale kooxda”.

“Tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan ujeedkeenu waxa uu ahaa ku guulaysiga horyaalka iyo Premier League iyo waliba koobabka”.

“Haatan waxa aan odhan karaa in uu soo dhamaaday rajadeena ku guulaysiga horyaalka”.

“Qalbigeena marna isma dhiibno laakiin Man City waa koox fiican sidaas darteed ujeedkeenu haatan waa ku guulaysiga champions League”.


Source: laacibfm.com

SHARE