Shaxda Laga Yaabo In Ay Real Madrid Kaga Hor Tagto Atalanta

Shaxda Laga Yaabo In Ay Real Madrid Kaga Hor Tagto Atalanta


Kooxda Real Madrid ayaa la ciyaari doonta kooxda Atalanta kulan adag oo si weyn loo sugayo kana tirsan tartanka champions League.

Kooxda 13 jeer ku guulaystay champions League ayaa si adag uga soo baxday wareega Group-yada tartanka wxana ay ugu dambayn ku soo baxday kaalinta 1-aad.

Laakiin waxa ay ku aadeen kooxda Mayalka Adag ee Atalanta kuwaas oo dhankooda kaalinta 2-aad kaga soo baxay Wareegii Group-yada tartanka.

Zidane ayaa kulanka soo galaya isaga oo ay xiddigo badan oo muhiim ah dhaawac uga maqan yihiin waliba xaalku ku xun yahay marka laga hadlayo dhanka dhaawaca.

Hadana Zidane ayaa la filayaa in uu u soo galo sidii uu guul uga gaadhi lahaa kulanka ama natiijo fiican ugala bixi lahaa kulanka.


Source: laacibfm.com

SHARE