Tammy Abraham Oo Iska Diiday In Uu Heshiis Cusub U Saxiixo Chelsea.

Tammy Abraham Oo Iska Diiday In Uu Heshiis Cusub U Saxiixo Chelsea.


Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Tammy Abraham ayaa iska diiday in uu xitaa wadahadalo heshiis kordhin ah la furo kooxda chelsea si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda.

Tammy Abraham ayaa ka mid ahaa xiddigaha ugu muhiimsan chelsea xilli ciyaareedkii hore iyo intii uu kooxda hogaaminayay tababare Frank Lampard.

Laakiin xiddiga ayaa u muuqda in uuna kooxda muhiim uga ahayn sidii hore isaga oo kaydka galay kulankii ugu dambeeyay ee ay chelsea la ciyaartay champions League.

Wargayska Sports Mole ayaa sheegaya in uu Tammy Abraham iska diiday in uu heshiis cusub kala hadlo kooxda chelsea kadib markii uu dareemay in uuna ka mid ahayn qorshaha tababare Thomas Tuchel.


Source: laacibfm.com

SHARE