XASAASI: Xilli Ciyaareedka Jordan Henderson Oo Soo Dhamaaday & Mudada Uu Garoomada Ka Maqnaan Doono Oo La Ogaaday.

XASAASI: Xilli Ciyaareedka Jordan Henderson Oo Soo Dhamaaday & Mudada Uu Garoomada Ka Maqnaan Doono Oo La Ogaaday.


Warka xun ee u soo baxaya Kooxda Liverpool ayaa maalinba maalinta ka dambaysa ka sii xumaanaya iyada oo ay maalin walba warar xun u soo baxayaan.

Wararka haatan soo baxaya ayaa sheegaya in uu dhaawaca Kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson ka xun yahay sidii la filayay taas oo war xun u ah Klopp iyo kooxda Liverpool.

Jordan Henderson ayaa dhaawac canqawga ah uga baxay kulankii ay Liverpool guuldarada kala kulantay kooxda Everton kulan ka tirsanaa horyaalka premie League.

Wararka haatan soo baxaya ayaa sheegaya in uu xilli ciyaareedka Jordan Henderson soo dhamaaday kadib dhaawacii ka soo gaadhay kulankii Everton.

Henderson ayaa la sheegayaa in uu garoomada ka maqnaan doono 4 bilood kadib dhaawaca soo gaadhay oo noqday mid xun.


Source: laacibfm.com

SHARE