10-ka Saxiix Ee Ugu Qaalisan Ee Ay Man City Samaysay Oo La Soo Saaray.

10-ka Saxiix Ee Ugu Qaalisan Ee Ay Man City Samaysay Oo La Soo Saaray.


Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa qirtay in sababta ka dambaysa guulaha Man City ay tahay lacagta waalida ah ee ay leeyihiin milkiilayaasha kooxda.

Kooxda Tabababre Guardiola ayaa haatanba hal gacan ku sii qabsatay horyaalka Premier League halka ay sidoo kale hal lug la gashay 8 dhamaadka champions League.

Man City ayaa sidoo kale wali u tartamaya Carbao Cup-ka oo ay gaadheen Final-ka iyo FA Cup-ka oo ay wali ku jiraan.

Tan ilaa markii uu Shiekh Mansour La wareegay kooxda Man City sanadkii 2008 waxa uu kooxda galiyay lacag dhan 2 bilyan oo euro oo uu xiddigo cusub ku keenay.

Guardiola oo loo magacaabay tababaraha kooxda Man City sanadkii 2016 ayaa kaliya suuqa galiyay lacag ka badan 700 oo milyan.

Xiddiga khadka dhexe ee Kevin De Bruyne ayaa ah saxiixa ugu qaalisan ee kooxda Man City isaga oo kooxda sanadkii 2016 ugu soo biiray lacag dhan 68.4 milyan oo euro.


Source: laacibfm.com

SHARE