Arsenal Oo Iska Xaadirisay Wareega 16-ka Europa League Kadib Guul Ay U Dadadaashay Oo Ay Ka Gaadhay Benfica.

Arsenal Oo Iska Xaadirisay Wareega 16-ka Europa League Kadib Guul Ay U Dadadaashay Oo Ay Ka Gaadhay Benfica.


Kooxda Arsenal ayaa si dirqi ah isaga xaadirisay wareega 16-ka tartanka Europa League kadib guul ay ka gaadheen kooxda Benfica.


Qaybta Hore:

Kulanka ayaa ahaa mid xiiso leh iyada oo ay labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar gool badan la kala dhaliyay sidoo kale fursado badan la sameeyay.

Arsenal ayaa qaybtii hore maamulaysay ciyaarta xilli ay Benfica ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah oo ay goolal ku doonayeen.

Daqiiqadii 21-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Arsenal ayaa isku dayday in ay disho ciyaarta laakiin Benfica ayaa diiday in ay qabasho goolal kale oo laga dhaliyo.

Daqiiqadii 43-aad ayay Benfica dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu laad xor ah u dhaliyay xiddiga Diogo Goncalves kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1 ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood bar-baro ku yihiin natiijada ciyaarta laakiin Arsenal maamulaysay ciyaarta.


Qaybta dambe:

Kooxda Benfica ayaa qaybtii dambe si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo qaadayay weeraro rogaal celis ah oo ay goolal ku doonayeen.

Daqiqiadii 61-aad ayay Benfica dhalisay goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Rafa Silva kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Arsenal ayaa bilowday in ay ku soo laabato ciyaarta iyaga oo qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn oo ay goolal ku doonayeen.

Daqiqiadii 67-aad ayay Arsenal dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Kieran Tiernay kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.

Laakiin Arsenal ayaa wali u baahnayd in ay dhaliso gool kale si u soo baxdo maadama ay goolal ku hadhayso waxana ay raadinayeen goolal kale.

Daqiqiadii 87-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang Kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaaarta oo ay Arsenal iska xaadirisay wareega 16-ka iyaga oo u dhididay in ay iska xaadiriyaan wareega kadib dadaal ay Benfica samaysay.


Source: laacibfm.com

SHARE