Borussia Dortmund Oo Kooxaha Doonaya Saxiixa Erling Haaland U Sheegtay Waxa Ka Xiga Saxiixiisa.

Borussia Dortmund Oo Kooxaha Doonaya Saxiixa Erling Haaland U Sheegtay Waxa Ka Xiga Saxiixiisa.


Kooxda Borussia Dortmund ayaa lagu soo waramayaa in ay u ogolaan doonto in uu xiddiga Erling Haaland isaga tago kooxda hadii ay kooxda doonaysa saxiixiisa miiska saarto lacag dhan 150 milyan oo euro xagaaga.

Xiddiga 20 jirka ah ayaa dhaliyay 27 gool 25 kulan oo xilli ciyaareedkan ah tartamada oo dhan waxana lala xidhiidhinayaa kooxo badan oo reer yurub ah.

Kooxaha Man City, Real Madrid, Liverpool, Man United iyo chelea ayaa dhamaantood xiiso u muujiyay saxiixa xiddiga da’yarka ah.

Heshiiska Haaland ayaa markii hore lagu bur-burinayay lacag dhan 68 milyan oo euro laakiin wargayska Daily Star ayaa sheegaysa in ay Dortmund haatan kor ugu qaadi doonto lacag dhan 150 milyan oo euro sanadkan.

Sidaas darteed Dortmund ayaa diyaar u ah in ay xiddiga ka iibiso kooxda diyaarka u ah in ay miiska saarto lacagta ay dalabanayso.


Source: laacibfm.com

SHARE