Daawo: Lionel Messi Oo Ka Yaabsaday Goolhayaha Elche Kadib Kulankii Xalay, Muxuu Sameeyay?

Daawo: Lionel Messi Oo Ka Yaabsaday Goolhayaha Elche Kadib Kulankii Xalay, Muxuu Sameeyay?


Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ka yaabsaday Goolhayaha Kooxda Elche ee Edgar Bdia kadib markii uu dhamaaday kulankii labada kooxood ee horyaalka La Liga isaga oo waydiistay maaliyadiisa.

Lionel Messi ayaa dhaliyay 2 gool qaybtii dambe isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay guul 3/0 ah ka gaadho kooxda Elche kulan ka dhacay Camp Nou.

Kadib markii ay ciyaartu dhamaatay Lionel Messi ayaa si toos ah ugu tagay Goolhaye Badia isaga oo waydiistay in uu siiyo maaliyadiisa.

Sidoo kale Messi ayaa Goolhayaha siiyay maaliyada No.10 taas oo keentay in ay ka yaabiso Goolhaye Badia maadama uu Messi waydiistay maaliyadiisa.

Labada xiddig ayaa kadib is gacan qaaday kadib wada dhoola cadeeyay ka hor inta ayna mid walba si gaar ah u aadin qolka labiska kooxdiisa.


Hadaba Halkan Hoose Ka daawo Muuqaalka:


Source: laacibfm.com

SHARE