John Aldridge Oo Qiimeeyay Fursadaha Liverpool Ee Ku Dhamaysiga 4-ta Boos Ee Ugu Sareeya Premier League.

John Aldridge Oo Qiimeeyay Fursadaha Liverpool Ee Ku Dhamaysiga 4-ta Boos Ee Ugu Sareeya Premier League.


Halyeeyga Kooxda Liverpool ee John Aldridge ayaa sheegay in ay Liverpool seegi doonto 4-ta boos ee ugu saraysa premier league xilli ciyaareedkan.

John Aldridge oo la hadlaya wargayska Sunday World ayaa yidhi”2 Bilood ka hor waxa ay u muuqatay in ay Liverpool difaacanaysa horyaalka premier League laakiin waxa aan wakhtigaas sheegay in ayna Liverpool ku guulaysan karin horyaalka ilaa ay ka keento daafac heer sare ah suuqa January”.

“Laakiin waxa jiray taageerayaal badan oo Liverpool ah kuwaas oo igu weeraray hadalkaas waliba sheegay in aan ka shaki qabo awooda Klopp uu ku buuxin karo boosaska ay banayeeneen Van Dijk iyo Gomez”.

“Laakiin hadalkaygii ayaa haatan run noqday liverpool-na way bur-burtay iyada oo la wada arkayo”.

“Xaqiiqada ayaa ah in ay Liverpoo ugu cad-cadahay in ay seegto 4-ta boos ee ugu sareeya Premier League”.

“Marna ma filayn in aan hadalkan odhan doono dhamadka bisha February laakiin waa xaqiiqada jirta haatan”.


Source: laacibfm.com

SHARE