Jordi Alba Oo Qiimeeyay Fursadaha Kooxdiisa Ee Ku Guulaysiga Horyaalka La Liga.

Jordi Alba Oo Qiimeeyay Fursadaha Kooxdiisa Ee Ku Guulaysiga Horyaalka La Liga.


Daafaca Jordi Alba ayaa sheegay in ay kooxda Barcelona wali ku jirto kuna guulaysan karto horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan kadib guushii 3/1 ahayd ee ay ka gaadheen kooxda Elche.

Kooxda Ronald Koeman ayaa hatan 5 dhibcood ka dambeeya kooxda Atletico Madrid Halka ay 2 dhibcood ka dambeeyaan kooxda kaalinta 2-aad ee Real Madrid.

“Hay Liga”ayuu Isticmaalay isaga oo u adeegsaday im uuna tartanka horyaalku wali dhamaan.

“Todobaadyo ka hor waanu ka baxsanayn tartanka horyaalka, haatana waan ku jirnaa”ayuu sii raaciyay.

“Waan ognahay in ay anaga na khusayso si aan ugu tartano horyaalka La Liga”.

“Kooxaha kale waxa ay lumin doonaan dhibco sidaas darteed waa in aan ka faa’iidaysano”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE