La Ogaaday: Tababarihii Ay Chelsea Markii Hore Doonaysay In Ay Ku Badasho Frank Lampard Oo La Ogaaday, Waa Tababare Horay U Soo Maamulay.

La Ogaaday: Tababarihii Ay Chelsea Markii Hore Doonaysay In Ay Ku Badasho Frank Lampard Oo La Ogaaday, Waa Tababare Horay U Soo Maamulay.


Tababarihii hore ee chelsee Maurizio Sarri ayaa lagu soo waramayaa in uu ogolaaday in uu ku soo laabto chelsea si uu shaqada uga badalo Frank Lampard bishii hore ka hor inta uuna milkiilaha chelsea joojin arintaas Roman Abramovich.

Wararka ka imanaya Italy ayaa sheegaya in agaasimaha chelsea ee Marina Granovskaia la xidhiidhay Tababarihii hore ee Sarri si ay ugu badasho Lampard dhamaadkii January.

Saxafiga Ciro Venerato ayaa sheegay in uu Sarri ku dhawaaday in uu mar kale noqdo tababaraha chelsea kadib markii uu lampard waayay shaqadiisa.

Marina Granovskaia ayaa Sarri u soo bandhigtay in uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda mar kale waxana uu tababaruhu ogolaaday in uu qabto shaqada.

Laakiin Milkiilaha chelsea ayaa arinta hor istaagay isaga oo diiday in uu tababare Sarri mar kale ku soo laabto shaqada Blues.


Source: laacibfm.com

SHARE