Lionel Messi Oo La Wareegay Hogaanka Gool Dhalinta La Liga

Lionel Messi Oo La Wareegay Hogaanka Gool Dhalinta La Liga


Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa kali ku noqday hogaanka gool dhalinta horyaalka La Liga kadib labadii gool ee uu ka dhaliyay kooxda Elche.

Xiddiga Lionel Messi ayaa markii hore la goolal ahaa xiddigii hore ee ay isku kooxda ahaayeen ee Luis Suarez iyaga oo wada lahaa 16 gool.

Laakiin Laba gool oo uu Lionel Messi ka dhaliyay Elche kulan baaqi u ahaa kooxdiisa Barcelona ayaa ka caawiyay in uu hogaanka la wareego gool dhalinta.

Lionel Messi ayaa haatan leh 18 gool isaga oo 2 gool ka badan xiddiga Atletico madrid ee Luis Suarez kaas oo leh 16 gool.

Xiddiga kooxda Vilarreal ee Gerard Moreno ayaa ku jira kaalinta 3-aad isaga oo dhaliyay 14 gool ilaa haatan xilli ciyaareedka La Liga.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Xiddigaha Ugu Goolasha badan horyaalka La Liga ilaa haatan xilli ciyaareedka.

N. Xiddiga Kooxda Xulka Goolasha
1.
Lionel Messi
Barcelona Argentina
18
2.
Luis Suárez
Atlético Madrid Uruguay
16
3.
Gerard Moreno
Villarreal Spain
14
4.
Youssef En-Nesyri
Sevilla Morocco
13
5.
Alexander Isak
Real Sociedad Sweden
12
6.
Karim Benzema
Real Madrid France
12
7.
José Luis Morales
Levante Spain
10
8.
Mikel Oyarzabal
Real Sociedad Spain
10
9.
Iago Aspas
Celta Vigo Spain
9
10.
Roger Martí
Levante Spain
9


Source: laacibfm.com

SHARE