Liverpool Oo Haatanba Dhamaystirtay Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Xagaaga.

Liverpool Oo Haatanba Dhamaystirtay Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Xagaaga.


Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay heshiis hordhac ah la gaadhay xiddiga khadka dhexe ee Lille ee Renato Sanches sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkan inkasta oo uu ku dhibaatoonayo dhaawacyo waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah marka uu u ciyaarayo kooxda Lille.

Renato Sanches ayaa Lille ku soo biiray xagaagii 2019 waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah tan ilaa markii uu ku soo bandhigay kooxda.

Wargayska Calciomercato ayaa sheegaya in ay Liverpool heshiis hordhac ah la gaadhay Sancho si ay uga dhigto saxiixeeda ugu horeeya ee suuqa xagaaga.

Klopp ayaa si aad ah u doonaya in uu xiddiga keeno kooxdiisa si uu ugu xoojiyo xilli ciyaareedka dambe kadib markii uu la dhacay qaab ciyaareedkiisa.


Source: laacibfm.com

SHARE