Man United Oo U Soo Gudubtay Wareega 16ka Europa Xilli Ay Old Trafford Barbaro Kula Galeen Real Sociedad

Man United Oo U Soo Gudubtay Wareega 16ka Europa Xilli Ay Old Trafford Barbaro Kula Galeen Real Sociedad


Man United ayaa u soo gudubtay wareega 16ka Europa League ka dib markii ay barbaro goolal la’aan ah Old Trafford kula gashay Real Sociedad lugta labaad ee wareega 32da.

United ayaa soo baxday madaama ay lugtii hore ee isbuucii la soo dhaafay ay 4-0 ku soo badiyeen Real Sociedad kuwaasoo kulankii caawa iska qasaariyay rigoore ay heleen qeybtii hore ee ciyaarta.



Real Sociedad ayaa ismuujisay qeybtii hore, waxayna heli kareen gool ay hogaanka ku qabtaan markii rigoore loo dhigay iyadoo James uu qalad ku galay Oyarzabal. Laakiin Oyarzabal oo rigoorada u soo istaagay ayaa qasaariyay isagoo kubada dulmariyay goolka.

Bruno Fernandes ayaa isna u dhawaaday inuu shabaqa soo taabto markii uu birta garaacay qeybtii hore ee ciyaarta halka uu Martial kululeeyay gacmaha goolhaye Remiro.

Waxaa qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah. Solskjaer ayaa seddex bedel sameeyay bilowgii qeybta labaad isagoo soo geliyay Tuanzebe, Rashford iyo Williams kuwaasoo bedelay Wan-Bissaka, Fernandes iyo Fred.

Shan daqiiqo markii ay socotay qeybta labaad Real Sociedad ayaa markeeda birta u garaacday Man United iyadoo goolhaye Henderson uu dhinac u go’ay, markii uu Sagnan kubad madax ah goolka la haweystay.

Man United ayaa u muuqatay inay hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 63aad markii uu Tuanzebe madax ku dhaliyay koorno uu soo qaaday Telles, laakiin goolka waa la diiday madaama Lindelof oo ka hor booday Tuanzebe uu jilibkiisa madaxa uga dhuftay Jon, iyadoo daafaca Man United qaladkiisa jaale lagu siiyay.

Daqiiqadii 68aad Martial ayaa faraha foodooda looga bixiyay kubad halis aheyd uu ka soo qaaday meel 30 mitir u jirta goolka, garsooraha ma uusan dareemin in kubada la bixiyay isagoo aan koorno u dhigin United.

Daqiiqadii 76aad Solskjaer ayaa soo geliyay 17 jirka garabka ka ciyaara Shola Shoretire kaasoo bedelay Mason Greenwood islamarkaana noqday xiddigii ugu da’da yaraa abid ee Man United u dheela tartamada Yurub.

Waxay labada kooxood ku dadaalaan inay shabaqa soo taabtay waxay ciyaarta ku soo dhamaatay barbaro goolal la’aan ah iyadoo Man United ay u soo gudubtay wareega 16ka Europa League.


Source: laacibfm.com

SHARE