Man United Oo Wada Xaajood Dhab Ah La Furtay Fiorentina, Daafac Aad Loo Qiimeeyo Ayay Ka Doonayaan.

Man United Oo Wada Xaajood Dhab Ah La Furtay Fiorentina, Daafac Aad Loo Qiimeeyo Ayay Ka Doonayaan.


Kooxda Man United ayaa wadahadalo la furtay kooxda Fiorentina oo ay ka doonayaan saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara ee Nikola Milenkovic sida ay sheegayeen wararku.

Daafaca reer Serbia ayaa ka mid ahaa xiddiga ugu fiican Fiorentina tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda xagaagii 2017.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa lala xidhiidhinayay kooxaha Manchester City, Tottenham, Borussia Dortmund & Liverpool kuwaas oo doonayay saxiixa xiddiga.

Saxafiga Constantin Eckner ayaa sheegaya ay kooxda Man United wadahadalo la qaadatay wakiilka xiddiga Milenkovic sidoo kale wadahadalo la furtay kooxda Fiorentina.

Isla saxafiga ayaa sheegaya in ay Fiorentina Dalban doonto lacag dhan 30 milyan oo euro si ay u iibiso xiddiga reer Serbia.


Source: laacibfm.com

SHARE