Paris Saint-Germain Oo Wadahadalo La Bilowday Xiddig Baxsad Ka Ah Liverpool.

Paris Saint-Germain Oo Wadahadalo La Bilowday Xiddig Baxsad Ka Ah Liverpool.


Kooxda PSG ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo la furtay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara ee Georginio Wijnaldum sida ay sheegayaan wararku.

Heshiiska xiddiga reer Holland ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana la filayaa in uu qaab xor ah uga tago kooxda xagaaga.

Georginio Wijnaldum  ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Barcelona laakiin kooxda reer Spain ayaa haatan tartan adag kala kulmaysa kooxda PSG.

Wargayska Le Parisien ayaa sheegaya in ay PSG wadahadalo Rasmi ah la bilowday wakiilada xiddiga si ay ugu qanciso in uu ku biiro kooxda xagaaga.


Source: laacibfm.com

SHARE