Pep Guardiola Oo Magacaabay Kooxda Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Champions League Xilli Ciyaareedkan, Ma Ahan Man City.

Pep Guardiola Oo Magacaabay Kooxda Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Champions League Xilli Ciyaareedkan, Ma Ahan Man City.


Tababaraha kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa magacaabay kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga champions League xilli ciyaareedkan.

Waxa la soo afjaray kulamada lugta hore ee wareega 16-ka champions league waxana haatanba jira kooxo min hal lug la sii galay wareega 8 dhamaadka tartanka champions Legaue.

Tababare Pep Guardiola oo la waydiiyay in ay kooxdiisa Man City tahay kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga champions league ayaa meesha ka saaray in ayna kooxdiisu ugu cad-cadayn ku guulaysiga champions League.

Tababare Pep Guardiola ayaa la waydiiyay in ay kooxdiisu ugu cad-cadahay ku guulaysiga champions league waxana uu yidhi”Uma malaynayo sidaas”.

“Marka aan arko sida ay Bayern Munich u ciyaarayso waliba 4/1 ku garaaceen Lazio uma malaynayo in ay Man City u cad-cadahay ku guulaysiga Champions Leageu”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE