Real Madrid Oo Racfaan Ka Qaadanaysa Ganaaxa Casemiro

Real Madrid Oo Racfaan Ka Qaadanaysa Ganaaxa Casemiro


Wargayska MARCA ayaa shaaca ka qaaday in ay kooxda Real Madrid doonayso in ay Racfaan ka qaadato ganaaxa xiddiga khadka dhexe ee Casemiro ee kulanka lugta 2-aad ee Atalanta champions Leaue.

Xiddiga khadka dhexe ee Casemiro ayaa loo taagay kaadhka digniinta ah taas oo la macno ah in uu seegi doono kulanka lugta 2-aad ee ay Real Madrid la ciyaari doonto Atalanta.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay maamulka Real Madrid aaminsanyihiin in uuna Casemiro khalad xoogan ku galin Zabata sidaas darteed uuna u qalmin kaadhka digniinta ah.

Sidaas darteed kooxda Real Madrid ayaa racfaan ka gudbin doonta Ganaaxa xiddiga si uu taam ugu noqdo kulanka lugta 2-aad ee kooxdiisa.

Casemiro ayaa xiddig laf dhabar u ah Real Madrid xilli ciyaareedkan waxana ay aaminsanyihiin in ayna guul gaadhi karin isaga la’aantiis kulanka lugta 2-aad.


Source: laacibfm.com

SHARE