Rio Ferdinand Oo Magacaabay Labada Kooxood Ee Kaliya Ee Man City Ka Hor Istaagi Kara Ku Guulaysiga Champions League Xilli Ciyaareedkan.

Rio Ferdinand Oo Magacaabay Labada Kooxood Ee Kaliya Ee Man City Ka Hor Istaagi Kara Ku Guulaysiga Champions League Xilli Ciyaareedkan.


Halyeeyga Kooxda Man United ee Rio Ferdinand ayaa sheegay in ay Man City meel fog ka gaadhi karto champions League xilli ciyaareedkan laakiin Kooxaha Bayern Munich & PSG halis ku yihiin ku guulaysiga Man City ee tartanka xilli ciyaareedkan.

Rio Ferdinand ayaa daawaday Man City oo si raaxo leh uga badisay kooxda Borussia Mönchengladbach iyaga oo hal lug la galay wareega Quarter-Final-ka tartanka.

Ferdinand ayaana sheegay in kooxaha PSG iyo Bayern Munich dhibaato weyn ku keeni karaan Man City wareegyada soo socda”.

“Waxan u malaynayaa in ay Bayern Munich leedahay khibard iyo waliba tayo”ayuu Ferdinand u sheegay BT Sport.

“Sidoo kale PSG Ayaa leh tayo iyo waliba khibrad fiican”.

“Sidaas darted Bayern Munich iyo PSG ayaa ka hor istaagi kara ku guulaysiga Man City ee champions League xilli ciyaareedkan”.


Source: laacibfm.com

SHARE