Saamaynta Maqnaanshaha Taageerayaasha Oo Ka Muuqata Kulamada Champions League

Saamaynta Maqnaanshaha Taageerayaasha Oo Ka Muuqata Kulamada Champions League


Waxa la soo afjaray lugta 1-aad ee kulamada wareega 16-ka champions League iyada oo la daawaday kulamo xiiso iyo xamaasad leh tan ilaa markii dib loo bilaabay kulamada champions League.

Kooxo badan ayaa ciyaaray kulamadii martida haatana isku diyaarinaya in ay iyagu marti galiyaan kooxda kale wareega 16-ka lugta 2-aad ee tartanka champions league.

Waxa iska cad saamaynta ay maqnaanta taageeryaasha ee garoomadu ku yeelatay tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Taageeryaaasha kubada cagta ayaa loo diiday in ay garoomada kaga qayb galaan tartanka kulamada champions League sabab la xidhiidha saamaynta xanuunka Korona.

16-kii kulan ee la ciyaaray lugta 1-aad waxa badisay kaliya hal koox oo garoonkeeda lagu ciyaaray iyada oo dhamaan 8 kooxood ee kale ee garoonkooda lagu ciyaarayay laga badiyay.

Kooxda Fc Porto ayaa ah kooxda kaliya ee marti loo ahaa ee guul ka gaadhay tartanka champions League kadib markii ay 2/1 ku garaacday kooxda Juventus.

Hadii ay taageerayaashu garoomada ka daawan lahaayeen kulamada waxa si weyn uga duwanaan lahayd nataijada haatan ee wareega 16-ka champions League.


Source: laacibfm.com

SHARE