Tababare Hore U Soo Maamulay Liverpool Oo Doonaya In Uu Jurgen Klopp Shaqada Ka Badalo.

Tababare Hore U Soo Maamulay Liverpool Oo Doonaya In Uu Jurgen Klopp Shaqada Ka Badalo.


Saxafiga reer Spain ee Guillem Balague ayaa sheegay in uu Rafael Benitez doonayo in uu ku soo laabto Liverpool mar kalena tababare u noqdo ka hor inta uuna soo afjarin xirfadiisa tababaranimo.

Tababaraha 60 jirka ah ayaa Liverpool hogaaminayay intii u dhexaysay 2004 ilaa 2010 isaga oo kula guulaystay Hal FA Cup iyo champions League.

Benitez ayaa haatan bilaa shaqo ah kadib markii uu isaga tagay kooxda Shiinaha ee Dalian Guillem Balague ayaana sheegay in uu Tababaruhu doonayo in uu ku soo laabto Reds.

“Waxa jira dareen uu Benitez dareensan yahay in ay jirto shaqo aan uga dhamaan Liverpool”ayuu Guillem Balague yidhi.

Tababare Rafae Benitez ayaa wali laga jecelyahay Liverpool iyada oo taageerayaasha reds wali u hayaan tababaraha reer Spain.


Source: laacibfm.com

SHARE