Tartanka Gool Dhalinta Yurub Oo Meel Xiiso Leh Maraysa & Lewandowski Oo Hor Boodaya Tartanka.

Tartanka Gool Dhalinta Yurub Oo Meel Xiiso Leh Maraysa & Lewandowski Oo Hor Boodaya Tartanka.


Gool dhalinta Kabta Dahabka ah ee yurub ayaa meel xiiso leh maraysa iyada oo xiddiga kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski si raaxo leh ku hogaaminayo.

Robert Lewandowski ayaa ilaa haatan dhaliyay 26 gool horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkan isaga oo hogaaminaya gool dhalinta yurub ee kabta dahabka ah.

Waa ku xiga xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo iyo xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi kuwaas oo dhankooda isku goolal ah dhaliyayna min 18 gool ilaa haatan horyaalada Serie A-da iyo La Liga.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah kaas oo ah hogaamiyaha horyaalka Premier League isaga oo dhaliyay 17 gool ilaa haatan.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda Juventus ee Kylian Mbappe kaas oo dhaliyay 16 gool horyaalka Ligue 1 ee dalka France kuna jira kaalinta 5-aad.

Hadab Halkan Hoose Kaga Bogo Gool dhalinta Kabta dahabka ah ee yurub 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada:

1.Robert Lewandowski (Bayern M√ľnchen) 26 Gool

2.Cristiano Ronaldo (Juventus) 18

3.Lionel Messi (Barcelona) 18

4.Mohamed Salah (Liverpool) 17

5.Kylian Mbappe (PSG) 16


Source: laacibfm.com

SHARE