Toni Kroos Oo Isku Qoray Taariikhda Real Madrid Kadib Kulankii Atalanta.

Toni Kroos Oo Isku Qoray Taariikhda Real Madrid Kadib Kulankii Atalanta.


Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Toni Kroos ayaa isku qoray taariikhda kooxda Real Madrid kadib markii uu ciyaaray kulankii Champions Leageu.

Kroos ayaa kooxdiisa Real Madrid ka caawiyay in ay gaadho guul muhiim ah oo 1/0 ah oo ay ka gaadheen kooxda Atalanta kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee wareega 16-ka champions League.

Kadib markii uu Kroos ku bilowday shaxda Los Blancos waxa uu isku qoray taariikhda kooxda isaga oo bar-bareeyay rikoodh dhanka safashada ah.

Kroos ayaa noqday xiddiga reer Germany ee ugu safasahda badan kulamada kooxda Real Madrid isaga oo kooxda Los Blancos u saftay 308 kulan tartamada oo dhan.

Kroos ayaa sidaas darteed bar-bareeyay rikoodhkaas oo uu horay u dhigay Halyeeyga reer Germany ee Stielike kaas oo kooxda horay ugu saftay 308 kulan.


Source: laacibfm.com

SHARE