UEFA Oo Soo Saartay Shaxda Ugu Fiican Todobaadka ChampionsLeague.

UEFA Oo Soo Saartay Shaxda Ugu Fiican Todobaadka ChampionsLeague.


Waxa la soo afjaray kulamada lugta 1-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League oo la ciyaaray Maalmiii salaasadii iyo Arbacadii.

Labadii maalin ee la ciyaaray waxa jiray xiddigo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay waliba guulo ku hogaamiyay kooxohooda.

UEFA ayaa kulamadii la ciyaaray ka soo xulatay 11 xiddig oo ahaa kuwii qaab ciyaareedka ugu fiican soo bandhigay kulamadii champions League.

UEFA ayaa soo xulatay shax xiddigo ah kuwaas oo ay u aqoonsatay kuwii ugu fiicnaa todobaadka champions league kadib markii ay soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.

Kooxda Man City ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 4 xiddig halka ay kooxda Real Madrid 3 xiddig ku leedahay shaxda.

Kooxaha Bayern Munich iyo Chelsea ayaa dhankooda min 2 xiddig ku leh shaxda ugu fiican todobaadka champions League.


Source: laacibfm.com

SHARE