Hordhac: Man City Vs West Ham: Hantiilayaasha Oo Doonaya In Ay Talaabo Kale U Qaadaan Ku Guulaysiga Horyaalka.

Hordhac: Man City Vs West Ham: Hantiilayaasha Oo Doonaya In Ay Talaabo Kale U Qaadaan Ku Guulaysiga Horyaalka.


Kooxda Man City ayaa marti galin doonta kooxda West Ham kulan ka tirsan todobaadkii 26-aad ee horyaalka premier League kana dhici doona garoonka Etihad Staduim.

Kooxda Man City ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay talaabo kale u qaadaan ku guulaysiga horyaalka premeir League siina wadaan guulaha xidhiidhka ah.

Dhanka kale West Ham oo ilaa haatan ah lama filaanka xilli ciyaareedka ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay sii xejistaan kaalinta 4-aad ee kala saraynta premier League.


Kulanka: Man City Vs West Ham


Tartanka: Premier League


Wakhtiga: 3:30


Garoonka: Etihad Staduim


XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Man City ayaan guuldaro kala kulmin 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaareen West Ham Premier League tan ilaa guuldaradii 2/1 ahayd ee ka soo gaadhay Hummers September 2015.

West Ham ayaa isha ku haysa in ay ka fogaato in ay guuldaro minin iyo marti ah kala kulanto Man City Premier League markii ugu horaysay tan ilaa 2015/2016 markaas oo ay kala kulmeen hal guuldaro iyo hal bar-baro.

Tan ilaa markii ay guuldarada 5/2 ah kala kulantay Leicester City, Man City ayaa laga dhaliyay kaliya 3 gool 15-kii kulan ee ugu dambeeyay ee tartamada oo dhan.

Kaliya Man City oo 33 dhibcood heshay premier League sanadka 2021 ayaa ah kooxda badan West Ham oo heshay 22 dhibcood sanadka cusub.


Source: laacibfm.com

SHARE