Hordhac: Sevilla Vs Barcelona: Labada Kooxood Oo Kaliya 2 Dhibcood Kala Horeeya Ka Hor Kulankooda.

Hordhac: Sevilla Vs Barcelona: Labada Kooxood Oo Kaliya 2 Dhibcood Kala Horeeya Ka Hor Kulankooda.


Kooxda Barcelona ayaa marti u noqon doonta kooxda Sevilla kulan adag oo ka tirsan horyaalka La Liga kaan dhici doona garoonka Ramon Sanchez-Pizjuan Stadium.

Labada kooxood ayaa kulanka soo galaya iyaga oo kaliya 2 dhibcood kala dambeeya horyaalka La Liga ka hor kulankooda.

Kooxda Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo guul gaadhay 4 ka mid ah 5-tii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka La Liga.

Dhanka kale Sevilla ayaa guul gaadhay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee La Liga waxana ay kulanka soo galayaan iyaga oo doonaya in ay guul gaadhaan kulanka.


Kulanka: Sevilla Vs Barcelona


Tartanka: La Liga


Wakhtiga: 6:15


Garoonka: Ramon Sanchez-Pizjuan Stadium


XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kadib markii ay bar-baro 1/1 ah la galeen kulankii qaybta hore ee xilli ciyaareedka Sevilla ayaa isha ku haysa in ay ka fogaato guuldaro labada kulan ee horyaalka ah oo ay kala kulanto Barcelona markii ugu horaysay tan ilaa 2002/2003 markaas oo ay kulan ka badiyeen mid kalena bar-baro la galeen.

Garoonkeeda, Aston Villa ayaa kaliya badisay hal kulan oo ka mid ah 13-kii kulan ee ay La Liga marti galisay Barcelona inkasta oo ay bar-baro galeen 2 ka mid ah 3-dii kulan ee ugu dambeeyay.

Barcelona ayaa badisay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee ay marti u ahaayeen kooxaha reer Andalusian horyaalka La Liga iyaga oo horay uga soo badiyay Granada iyo Real Betis.

Sevilla ayaa badisay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga iyaga oo shabaqooda ilaashaday 4 ka mid ah laakiin 6 kulan oo xidhiidh ah may badin tan ilaa 2018 markaas oo ay 6 kulan badiyeen.


Source: laacibfm.com

SHARE