Jurgen Klopp Oo Ka Warbixiyay Xaalada Diogo Jota, Fabinho & James Milner

Jurgen Klopp Oo Ka Warbixiyay Xaalada Diogo Jota, Fabinho & James Milner


Tababaraha Kooxda iverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka warbixiyay xaalada xiddigaha Diogo Jota, Fabinho & James Milner ka hor kulanka Sheffield United ee horyaalka Premier Leageu.

Jota ayaa garoomada ka maqnaa tan ilaa bishii December waxana uu tababarka buuxa ku soo laabtay todobaadkan waxana uu Klopp sheegay in ay xaaladiisu fiicantahay.

Klopp ayaa sheegay in ay qiimayn doonaan xaalada xiddiga ka hor inta ayna go’aamin in uu ka qayb qaato kulanka Axada ee Premier Leagie.

“Diogo waxa uutababar buuxa la qaatay kooxda laba jeer waxana uu u muuqdaa mid fiican laakiin xaaladiisa ayaan qiimayn doonaa ka hor inta aanan go’aamin ka qayb galkiisa kulanka Sheffield.

Klopp oo Fabinho iyo Milner ka hadlaya ayaa yidhi”Fabinho wali tababar buuxa lama qaadan kooxda laakiin bari ayuu si buuxda ugu soo biiri doonaa tababarka sidoo kale James Milner”.


Source: laacibfm.com

SHARE