Kulamada Uu Jordan Henderson Ka Maqnaan Doono Liverpool Kadib Qaliinkii Lagu Sameeyay Oo La Ogaaday.

Kulamada Uu Jordan Henderson Ka Maqnaan Doono Liverpool Kadib Qaliinkii Lagu Sameeyay Oo La Ogaaday.


Kooxda Liverpool ayaa maanta xaqiijisay in uu qaliin ka maray sarcanta kadib dhaawacii ka soo gaadhay kulankii Everton ee horyaalka Premier League.

Jordan Henderson ayaa dhaawac uga baxay qaybtii hore ee kulankii ay Liverpool guuldarada kala kulantay kooxda Everton horaalka Premier League.

Kadib qaaliinka lagu sameeyay xiddiga Jordan Henderson ayaa la filayaa in uu garoomada ka maqnaado 6 ilaa 8 todobaad taas oo la macno ah in uu xiddigu seegi doono ugu yaraan 8 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Kulamada uu Henderson ka maqnaan doono kooxdiisa ayaa kala ah Sheffield United, Chelsea, Fulham, RB Leipzig, Wolves, Arsenal, Aston Villa iyo Leeds United.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah kooxda Liverpool marka loo eego in uu Jordan Henderson ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican kooxda xilli ciyaareedkan.


Source: laacibfm.com

SHARE