Liverpool Oo Alisson U Ogolaan Doonta In Uu Seego Kulamada Soo Socda, Sabab.

Liverpool Oo Alisson U Ogolaan Doonta In Uu Seego Kulamada Soo Socda, Sabab.


Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay Alisson Becker u ogolaato in uu seego kulamada soo socda ee kooxda sabab la xidhiidha dhimashadii Aabihiis.

Joes Becker oo 57 jir ah ayaa ku dhintay Dalka Brazil khamiistii kadib markii uu u dabaal tagay ceel ku yaala gurigiisa Agtiisa.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay Liverpool doonayso in goolhayaha u fasaxdo in uu aado Brazil si uu Qoyskiisa ula soo qaato hadii uu doonayo waliba ayna ciyaarsiin doonin kulamada soo socda.

Hadii uu Alisson aado Brazil waxa ay la macno tahay in uu seegi doono kulamo aad u badan maadama uu gali doono 10 maalin oo karantiil ah.


Source: laacibfm.com

SHARE