Miyuu Thiago Silva Ciyaari Doonaa Kulanka Man United? Tuchel Ayaa Ka Jawaabay.

Miyuu Thiago Silva Ciyaari Doonaa Kulanka Man United? Tuchel Ayaa Ka Jawaabay.


Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa ka hadlay xaalada xiddiga daafaca uga ciyaara kooxdiisa ee Thiago Silva ka hor kulanka Man United ee Premeir League.

Kooxda Chelsea ayaa marti galin doonta kooxda Man United kulan adga oo ka tirsan todobaadkii 26-aad ee horyaalka premier League.

Thiago Silva ayaa ka maqan kooxdiisa tan ilaa 4 bishan February kadib markii uu ku dhaawacmay kulankii Tottenham.

Thomas Tuchel oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Thiago Silva ma ciyaari doono Axada wali taam uma ahan in uu soo laabto”.

“Waxa uu qaatay tababar kali ah waxana laakiin wali kuma soo laaban tababarka buuxa”.

“Waxa aan rajaynayaa in uu ku soo laabto kooxda ka hor kulanka Liverpool”


Source: laacibfm.com

SHARE