Mohamed Salah Oo Loo Sheegay In Uu Isaga Tago Liverpool, Kooxda Uu Ku Biiri Lahaana Waa Loo Timaamay.

Mohamed Salah Oo Loo Sheegay In Uu Isaga Tago Liverpool, Kooxda Uu Ku Biiri Lahaana Waa Loo Timaamay.


Halyeeyga reer Nigeria ee Jay-Jay Okocha ayaa xiddiga liverpool ee Mohamed Salah kula taliyay in uu isaga tago kooxda Liverpool kuna biiro kooxda Barcelona.

Waxa bilihii ugu dambeeyay soo baxayay warar sheegaya in uu Mohamed Salah doonayo in uu ku biiro horyaalka La Liga.

Jay-Jay Okocha oo la hadlaya TV-ga reer Masar ee On Time Sport ayaa yidhi”Salah waa in uu isaga tago kooxda Liverpool kuna biiro kooxda Barcelona sababta oo ah waxa ay u noqon doontaa fursad cajiib ah”.

“Hadii uu helo fursad uu ugu biiri karo Barcelona waa in uu isaga tago Liverpool kuna biiro Barcelona”.

“Xaalada Liverpool ee Haatan way sii xumaanaysaa sidaas darteed waa in uu Salah isaga tago kooxda Liverpool”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE