Mustaqbalka Sergio Ramos Oo Waji Cusub Yeeshay, Maxaa Cusub?

Mustaqbalka Sergio Ramos Oo Waji Cusub Yeeshay, Maxaa Cusub?


Waxa uu war fiican uga soo baxay taageerayaasha Real Madrid xaalada Sergio Ramos iyada oo wargayska MARCA sheegayo in xiddiga iyo madaxweynaha kooxda ee Florentino Perez wadahadalo joogto ah ugu jiraan heshiis cusub.

Kadib markii uu diiday heshiiskii ugu horeeyay ee kooxda Waxa laga cabsi qabay in uu Ramos khatar galiyay xidhiidhka uu la lahaa madaxweynaha kooxda ee Florentino.

Si kasta ha ahaatee Xiddiga iyo Madaxweynaha ayaa kulmay Slaaasadii ay xal uga gaadhaan mustaqbalka xiddiga.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in uu Ramos haatan aad ugu dhawyahay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Real Madrid.


Source: laacibfm.com

SHARE