Shola Shoretire Oo Taariikh U Sameeyay Man United.

Shola Shoretire Oo Taariikh U Sameeyay Man United.


Xiddiga da’yarka ah ee Shola Shoretire ayaa sameeyay taariikh kadib markii uu badal ku soo galay kulankii ay Man United bar-baraha 0/0 ah la gashay kooxda Real Sociedad tartanka Europa League.

Kooxda Ole Gunar Solskjaer ayaa bar-baro 0/0 ah la gashay kooxda Real Sociedad laakiin iska xaadiriyay wareega 16-ka kadib markii ay guul weyn ka soo gaadheen lugtii hore.

Shola Shoretire ayaa badal ku soo galay qaybta dambe ee ciyaarta isaga oo lagu badalay xiddiga Mason Greenwood 15-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay.

Kadib markii uu ciyaaray xiddiga Shola Shoretire oo jira 17 sano ayaa noqday xiddigii ugu da’da yaraa ee Man United u safta tartamada yurub.


Source: laacibfm.com

SHARE