Thomas Tuchel Oo Ka Hadlay Kulanka Ay Kooxdiisu La Ciyaari Doonto Man United.

Thomas Tuchel Oo Ka Hadlay Kulanka Ay Kooxdiisu La Ciyaari Doonto Man United.


Tababaraha Kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa sheegay in kulanka ay Axada la ciyaari doonaan Man United uu yahay kulan go’aamin doona horyaalka xilli ciyaareedkan.

Chelsea ayaa marti galin doonta kooxda Man United kulan ka tirsan premier League iyaga oo 2 dhibcood ka dambeeya kooxda Kaalinta 4-aad ku jirta ee West Ham kuwaas oo dhankooda la ciyaari doona Man City.

Tuchel oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waanu ognahay kooxda aan ka hor tagayno in ay tahay koox ay joogaan xiddigo fiican kuwaas oo waliba leh awood ay ku go’aamin karaan kulan in aan difaacano goolkeena waxa ay u baahantahay shaqo adag”.

“Hadii aan garaacno Man United waxa ay noo noqon doontaa arin weyn, hadii ay iyagu guul gaadhaan iyaga ayay u fiicnaan doontaa”.


Source: laacibfm.com

SHARE