Dib U Eegid: Barcelona Oo Boodhka Ka Jafatay Rikoodh Ay Horay Uga Dhigeen La Liga.

Dib U Eegid: Barcelona Oo Boodhka Ka Jafatay Rikoodh Ay Horay Uga Dhigeen La Liga.


Kooxda Barcelona ayaa garaacday Sevilla kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga iyaga oo gaadhay guul ay u qalmeen kadib qaab ciyaareed fiicna oo ay soo bandhigeen.

Goolal ay dhaliyeen Messi iyo Dembele ayaa Barcelona ka caawiyay in ay gaadho guul 2/0 ah oo ay ka gaadheen kooxda Sevilla.

Guushii ay Barcelona ka gaadhay Sevilla ayaa ahayd guushii 7-aad ee ay Barcelona ku gaadhay kulamada martida horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Kadib guushaas kooxda Barcelona ayaa bar-baraysay rikoodhkoodii ugu fiicnaa Kulamada martida ee horyaalka La Liga ee ay dhigeen sanadkii 2012 oo ay 7 kulan xidhiidh ku badiyeen, sanadkii 2011 oo ay 12 kulan xidhiidh ku badiyeen, sanadkii 2013 oo ay 10 kulan badiyeen iyo 2009 oo ay 9 kulan badiyeen.


Source: laacibfm.com

SHARE