Ilkay Gundogan Oo Kashifay Sababtii Uu Ugu Fashilmay Ku Biirista Man United.

Ilkay Gundogan Oo Kashifay Sababtii Uu Ugu Fashilmay Ku Biirista Man United.


Xiddiga khadka dhexe ee koooxda Man City Ilkay Gundogan ayaa shaaca ka qaaday in ay Man United doonaysay in ay keento Premier League sanado ka hor intii uuna Man City ku biirin.

Xiddiga Ilkay Gundogan ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican premier League xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 11 gool 19 kulan oo uu ciyaaray.

Ilkay Gundogan ayaa ugu cad-cad ku guulaysiga abaalmarinta xiddiga ugu fiican premier League xilli ciyaareedkan xilli ay City ku guulaysanayso premier League.

Xiddiga Ilkay Gundogan ayaa haatan qirtay in ay arimuhu ka duwanaan lahaayeen sida haatan una ciyaari lahaa kooxda Man United.

Kooxda Man United ayaa muddo dheer lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga Ilkay Gundogan intii uu joogay kooxda Borussia Dortmund.

Markii la waydiiyay in uu xiiso dhab ah ka helay Man United ayuu Ilkay Gundogan yidhi”Haa xiiso dhab ah ayay ahayd.

“Waxa jiray wadahadalo, waxan u malaynayaa in ay ahayd 2 ama 3 sano ka hor intii aanan ku biirin Man City waxana aan u ciyaarayay Dortmund”.

“Mid ka mid ah xiddigaha aan isku kooxda ahayn ayaa ku biiray Man United waxana uu ahaa Shinji Kagawa, waxana aan bilaabay in aan daawado kulamadooda’.

“Waxa ay wadahadalo la fureen Dortmund laakiin wadahaada ayaan gaadhin meel fog sababta oo ah Dortmund ayaa diiday in ay i iibiyaan”.


Source: laacibfm.com

SHARE