Lautaro Martínez Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa, Barcelona Ayuu Soo Hadal Qaaday.

Lautaro Martínez Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa, Barcelona Ayuu Soo Hadal Qaaday.


Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Inter Milan ee Lautaro Martínez ayaa go’aan ka gaadhay mustaqbalkiisa kooxda Inter Milan ka hor dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga Lautaro Martínez ayaa ka mid ah weeraryahanada ugu fiican qaarada yurub xilli ciyaareedkan waxana lala xidhiidhinayay kooxo badan oo ay ugu horayso Barcelona bilihii ugu dambeeyay.

Lautaro Martínez oo la hadlaya wargayska La Gazzettadello Sport ayaa yidhi”Anigu kama tagi doono Inter Milan xagagaa”.

“Waxa aan dhawaan u saxiixi doonaa kooxda Heshiis cusub qorshahayguna waa in aan sii joogo kooxda muddo dheer”.

Isaga oo ka hadlaya xiisaha Barcelona ayuu yidhi”Haa, Waa Run In ay Barcelona i doonaysay xagaagii hore laakiin Waxa aan Conte u sheegay  in aanu ka wal-walin sababta oo ah waxa aan qorshaynayaa in aan sii joogo Inter Milna”.

“Aniga ahaan Barcelona Xiisihii Barcelona waa wax tagay waxana aan sii joogaa Inter Milan”.


Source: laacibfm.com

SHARE