Liverpool Oo Isku Diyaarinaysa In Ay U Dhaqaaqdo Xiddig Baxsad Ka Ah Real Madrid.

Liverpool Oo Isku Diyaarinaysa In Ay U Dhaqaaqdo Xiddig Baxsad Ka Ah Real Madrid.


Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso inay xagaaga u dhaqaaqdo daafaca dhexe ee Real Madrid Raphael Varane.

27 jirkaan qandaraaskiisa haatan ee Bernabeu ayaa dhacaya xagaaga 2022, waxaana la fahamsan yahay in Los Blancos ay ku dhibtooneyso inay heshiis cusub la gaarto daafaca.

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga Varane hadii ay hesho dalab lacageed oo dhan 70 milyan oo euro xagaaga.

Wargayska AS ayaa sheegaya in ay Liverpool ka faa’iidaysanayso diidista xiddiga ee heshiiska cusub iyaga oo diyaarinaya dalab ay ka gudbiyaan xagaaga.

Reds ayaa tartan kala kulmi doonta kooxaa Man united, PSG, Chelsea iyo Juventus kuwaas oo dhamaantood isha ku haya xaalada xiddiga.


Source: laacibfm.com

SHARE