Liverpool Oo Si Gaar Ah Ula Socota Xiddig Ku Dhibaatoonaya Real Madrid.

Liverpool Oo Si Gaar Ah Ula Socota Xiddig Ku Dhibaatoonaya Real Madrid.


Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay si dhaw ula socoto xaalada xiddiga Rodrygo Goes ee kooxda Real Madrid iyada oo kooxda Jurgen Klopp isha ku hayso in ay u dhaqaaqdo xiddiga xagaaga.

Xiddiga 20 jirka ah ayaa dhaliyay 8 gool iyo 9 caawin23 kulan tan ilaa markii uu Madrid ku soo biiray xagaagii 2019.

Rodrygo ayaa si joogto ah ugu ciyaarayay kooxda Los Blancos qaybtii hore ee xilli ciyaareedkan laakiin waxa soo gaadhay dhaawac u diiday in uu garoomada ka maqnaado ilaa December.

Wargayska Diario Gol ayaa sheegaya in xaalada dhaqaale xumo ee Real Madrid in ay ku qasbi karto in ay iska iibiso xiddiga xagaaga Liverpool ayaana isha ku haysa saxiixa xiddiga.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda Tababare Zidan ogolaan doonto in ay xiddiga reer Brazil ku iibiso lacag dhan 50 milyan oo euro.


Source: laacibfm.com

SHARE