Man United Oo Go’aan Lama Filaan Ah Ka Gaadhay Mustaqbalka David De Gea, Maxaa Cusub.

Man United Oo Go’aan Lama Filaan Ah Ka Gaadhay Mustaqbalka David De Gea, Maxaa Cusub.


Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay iska iibiso Goolhayeheeda 1-aad ee David De Gea marka la gaadho suuqa xagaaga.

Goolhayaha 30 jirka ah ayaa kooxda u saftay in ka badan 433 kulan tan ilaa markii uu kooxda kaga soo biiray Atletico Madrid sanadkii 2011 waxana uu haatan yahay dookha 1-aad ee Goolka isaga oo ka horeeya Dean Henderson oo amaah ka soo laabtay xagaagii.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ay United midkood iska iibin doonto Henderson ama De Gea marka la gaadho suuqa xagaaga.

Wargayska Eurosport ayaa sheeaya in ay Man United diyaar u tahay in ay iska iibiso Goolhaye De Gea xagaaga hadii ay dalabyo fiican u yimaadaan.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ayna Maamulka Man United xiddiga haatan u arkin mid lama taabtaan ah waliba ay diyaar u tahay in ay iska iibiyaan sabab la xidhiidha mushaharkiisa aadka u badan.


Source: laacibfm.com

SHARE