Messi & Dembele Oo Barcelona Ku Hogaamiyay Guul Ay Ka Gaadheen Sevilla & Barcelona Oo Kaalinta 2-aad Kala Baxday Real Madrid.

Messi & Dembele Oo Barcelona Ku Hogaamiyay Guul Ay Ka Gaadheen Sevilla & Barcelona Oo Kaalinta 2-aad Kala Baxday Real Madrid.


Kooxda Barcelon ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Sevilla kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga kana dhacay garoonka Ramon Sanchez-Pizjuan Stadium.


Qaybta hore.

Kulanka ayaa ahaa mid xiiso leh oo ay labada kooxood isku qaadayeen weeraro is dhaafsi ah koox walba dhankeeda u dadaalaysay in ay goolal dhaliso.

Kooxda Sevilla ayaan soo bandhigin qaab ciyaareedkii looga bartay kulamadii hore taas oo keentay in ay Barcelona ka faa’iidaysato arintaas.

Barcelona ayaa ku fiicnayd dhanka kubad haysashada iyo waliba dhanka halista la galiyay Goolhayaha iyada oo Messi iyo saaxiibadiis ka go’naayeen in ay guul ka gaadhaan kulanka.

Xiddiga Dembele oo ahaa xiddiga ugu fiican kulanka ayaa daqiiqadii 22-aad si cajiib ah u dhaafay daafaca Sevilla kubadana la dhex galay dilinta ganaaxa isla markaasna laad xoogan ku laagay Goolhayaha laakiin Goolhayaha Sevilla ayaa ku raaxaystay kubadaas.

Daqiiqadii 29-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Ousmane Dembele kaas oo kubad cajiib ah looga daba tuuray daafacyada Sevilla isaga oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Kooxda Sevilla ayaa isku dayday in ay ku soo laabato ciyaarta laakiin daafacyada Barcelona ayaa si fiican u shaqaystay iyaga oo qabtay weerarka Sevilla.

Dhankooda xiddigaha weerarka Barcelona ayaa sameeyay isku dayo badan iyaga oo doonayay in ay sii dheeraystaan hogaanka ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay kooxda Barcelona hogaaminayso kulanka Waliba ayna Sevilla soo bandhigin qaab ciyaareed ay wax ku mudantahay.


Qaybtii dambe:

Sevilla ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay qaybta dambe iyaga oo doonayay in ay ciyaarta ku soo laabtaan Laakiin waxa ay aad ugu dhibaatoodeen dhanka weerarka.

Lionel Messi ayaa daqiqiadii 69-aad dhaliyay Gool laakiin Goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside uu ku jiray xiddiga kabtanka u ah Barcelona.

Sevilla ayaa dhankeeda u dadaalaysay in ay dhaliso gool xilli ay Barcelona doonaysay in ay ciyaarta disho oo ay Sevilla ka hor istaagto in ay soo laabato.

Kooxda Sevilla ayaa daqiiqadii 78-aad dhalisay gool noqon lahaa midkii bar-baraha laakiin Waxa la diiday Goolka kadib markii ay gacanta kaga dhacday xiddiga En-Nesyri kaas oo gool ka dhaliyay kubadaas.

Daqiiqadii 85-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay kabtankooda Lionel Messi kaas oo si qurux badan kooxdiisa ugu dheereeyay hogaanka ciyaarta kana dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona guul muhiim ah ka gaadhay Sevilla sidaasna ku gashay kaalinta 2-aad ee kala saraynta horyaalka La Liga.


Source: laacibfm.com

SHARE