Mushaharka Xiddigaha Liverpool Ee Sanadka 2021 Oo La Kashifay.

Mushaharka Xiddigaha Liverpool Ee Sanadka 2021 Oo La Kashifay.


Mohamed Salah iyo Sadio Mane ayaa hogaamiya weerarka Liverpool laakiin xiddiga reer Masar ayaa qaata laba jibaar mushaharka Sadio Mane.

Xiddiga reer Masar ayaa hogaaminaya gool dhalinta Premier League isaga oo isha ku haya ku guulaysiga gool dhalinta xilli ciyaareedkii 3-aad intii uu joogay Liverpool.

Mane ayaa dhankiisa shaqo fiican ka qabtay kooxda Liverpool tan ilaa markii uu yimid kooxda laakiin waxa uu ka mushahar yaryahay xiddiga ay isku kooxda yihiin.

Xiddiga Thiago Ayaa ah xiddiga 2-aad ee ugu mushaharka badan kooxda inkasta uu kooxda ku soo biiray xagaagii isaga oo todobaakdii u xaadira lacag dhan 192 kun oo Gini.

Xiddiga qaab ciyaareedka xun ku jira ee Firmino ayaa ah xiddiga 3-aad ee ugu mushaharka badan kooxda Liverpool sanadka 2021 isaga oo todobaadkii u xaadira lacag dhan 180 kun oo Gini.


Source: laacibfm.com

SHARE