Pau Torres Mise Jules Kounde? Xiddig Ay Man United U Dhaqaaqi Doonto Saxiixiisa Oo La Ogaaday.

Pau Torres Mise Jules Kounde? Xiddig Ay Man United U Dhaqaaqi Doonto Saxiixiisa Oo La Ogaaday.


Kooxda Man United ayaa lagu soo watamayaa in ay xagaaga isku dayi doonto saxiixa daafaca kooxda Villarreal ee Pau Torres.

Red Devils ayaa si weyn loo filayaa in ay xagaaga la soo saxiixato daafac dhexe si ay uga garab ciyaarsiiso xiddiga Harry Maguire.

Daafaca kooxda Sevilla ee Jules Kounde ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Man United laakiin Red Devils ayaa diidan in ay bixiso lacagta 68 milyan ee lagu bur-burin karo heshiiskiisa.

Wargayska Eurosport ayaa sheegaya in ay Man United u dhaqaaqi doonto saxiixa Torees kaas oo uga jaban Kounde laguna heli karo lacag dhan 43 milyan oo euro.

Xiddiga Pau Torres oo 24 jir ah ayaa sidoo kale xiiso ka helaya kooxda Real Madrid kuwaas oo u aragta badalka mustaqbalka fog ee Sergio Ramos.


Source: laacibfm.com

SHARE